Kadib markii Raisulwasaaraha dalka Ciraaq Haider al-Abadi uu Amar ku bixiyay in la weeraro goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Daacish, ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa laga maqlay Magaalada Fullijah madaafiic aad u xoogan.
Madaafiicda ayaa la sheegay in ay Magaalada Ku garacayaan Ciidamada dowlada Ciraaq, kadib markii amar lagu siiyay in ay magaalada ku duqeeyeen Ciidamada Daacish oo ku xoogan Magaalada.
Magaalada Fallujah oo Madaafiic ay ku socoto ayaa 69-km dhanka Galbeedka uga beegan caasimada Baqdaad, waana Magaalada ay haatan ku xoogan yihiin ciidamada Dowlada Islaamiga ee Daacish.
Dowlada Ciraaq ayaa ugu baaqday shacabka ku dhaqan magaalada inay isaga baxaan, balse waxaa la sheegay in kooxda Daacish ay dhankoodana ku amreen shacabka inay guryahooda aysan ka bixin.




