Ciidamada Liibiya oo Soo Bad-baadiyay Doonyo Waday ku Dhowaad 900 oo Muhaajiriin Afrikaan ah

0

Ilaalada xeebaha dalka liibiya ayaa sheegay in ay soo bad-baadiyeen Doonyo ay saarnaayeen 900 oo tahriibayaal Afrikaan ah oo ku siijeeday wadamada Qaarada yurub Gelinkii dambe ee maalintii Axadii.

Afhayeen u hadlay Ciidamada badda liibiya ayaa tilmaamay in muhaajiriintaan ay ka kala yimaadeen dalal badan oo ku yaala Qaarada Afrika ayna ku jiraan 79 haween ah oo 11 ay yihiin kuwa uur leh .

Tahriibayaashaan ayaa laga soo bad baadiyay bariga Magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Liibiya.

In kabadan 30,000 oo muhaajiriiin ah ayaa la sheegay in sanadkaan kaliya ka gudbeen xeebaha dalka liibiya ayna gaareen dalka Talyaaniga..

Wadanka liibiya ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee dadka muhaajiriinta ay maraan kuwaas oo intooda badan kasoo jeeda Afrika si ay ugaaraan qaarada yurub.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here