Shirkii Loogu Hadlaayay Bini’aadanimada oo Goordhaweyd ka Furmay Istanbul+Sawirro

0

Waxaa Goordhaweyd Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ka Furmay  Shirka looga hadlaayo Arimaha Bini’aadinimada.

Shirkaan waxaa Sooomaliya u matalaya Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud qudbad uu furitaanka shirka  ka jeediyay ayuu kaga hadlay  Xaaladaha kala duwan ee dhanka Bini’aadinimada dalka Somaliya ka jira.

Sidoo kale madax kala duwan oo ka kala timid dalalka caalamka ayaa shirka inta uu socdo waxa ay ka jeedin doonaan qudbad ay kaga hadlayaan xaaladaha Bini-aadanimo ee dalalkooda xiligaan ka jirta.

Shirkaan loogu hadlaayo Arimaha Bini’aadinimada Ayaa socon doona muddo Labo cisho, waxaa inta badan loogu hadli doonaa Bini’aadanimada ka jirta dunida.

14639872911d081 14639872965c9e4 1463987298990bb 14639873009441c 146398729449310

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here