Binali Yıldırım oo maalmihii dambe la hadal hayay In uu noqon doono Raiuslwasaaraha Dalka turkey-ga ayaa ugu dambeen maanta la shaaciyay in uu yahay Raisuwasaaraha Cusub.
Kulan waqti badan socday oo maanta ay isugu yimaadeen xubnaha Xisbiga AK, ayaa waxaa Ra’iisal Wasaare loogu soo doortay Binali Yıldırım, oo ahaa Wasiirkii Gaadiidka Turkiga, ayaa sidoo kale noqonaya Gudoomiyaha Xisbiga AK, oo uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Ku dhawaaqista Ra’isulwasaaraha Cusub ee dalka Turky-ga ayaa timid kadib markii dhawaan uu muran soo kala dhexgalay Madaxweyne Erdoğan, iyo Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Turkyga Ahmet Davutoğlu taasi oo markii dambe keentay in uu Iscasilo Davutoğlu .
Mudane Binali Yıldırım ayaa la aaminsan yahay in uu yahay saaxib ku dhow Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan.

