Xarunta Maxkamada Ciidamada qalabka sida waxaa maanta mar kale ka bilowday dhageysiga dacwada eedeysanayaal loo heysto inay ka dambeeyeen qarixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daalo horaantii bishii Febraury ee sanadkan.
Xarunta Maxkamada waxaa ku sugaan Maxs’uuliyiin ka tirsan Maxkamada Ciidamada qalabka sida qareeno u doodayay eedeysanayaasha, iyo dad shacab ahaa oo goob-joog ka ahaa dhageysiga dacwada.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn maxkamadda hordhigtay Dacwadda loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 14-qof oo mid ka mid ah ay haweeney tahay Islamarkaana lagusoo oogay inay fududeeyeen ama ku lug lahaayeen Qarixii Diyaaradda daalo.
Dhageysiga Kadib Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka codsaday xafiiska Xeer ilaalinta Ciidanka qalabka sida inay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira dambiga loo heysto eedeysanayaashan.
Bishii February aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii qarax ka dhex dhacay Gudaha diyaarada Daallo air-Line waxaa qaraxa ka dib jirey shaqsiyaad ay dowlada soomaliya usoo qabatay,
Dhawaan sidoo kale waxaa maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa loogu yeeray Madaxa Shirkada Favori oo lagu eedeeyay In ay shirkada ay shaqaalaysiiyay dad aan aqoon u laheyn qalabka wax lagu baaro.



