Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Hanaanka geeddi-socodka Doorashada 2016-ka.
Beesha caalamka ayaa sheegtay in go’aankaan kasoo baxay Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud uu keeni karo in la amba qaado Hanaankii wanaagsanaa ee loo mari lahaa Doorashada Soomaliya ka Dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.
“Beesha caalamka waxa ay soo dhaweynaysaa talaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee hanaanka Doorashada Soomaliya ka Dhacaysa Sanadkaan 2016-ka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Maanta ayay aheyd markii Madaxweyne xasan shiikh Maxamuud oo warbaahinta shir Jaaraa’id u qabtay uu ku cadeeyay Hanaanka doorashada soomaliya dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

