Saraakiisha Ciidamada Dowlada Somaaliya ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay Gudoomiyihii Hore ee Magaalada Marka C/qaadir Nuur Sidii in uu Mas’uul ka yahay falalka amni daro ee ka dhaca Magaaladaas,
Maxamed Maxamuud Mataaan oo kamid ah saraakiisha Ciidamada dowlada soomaliya ee Magaalada Marka ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada in uu abaabulkeeda leeyahay Gudoomiyihii Hore ee Magaalada Marka oo dhawaan xilka laga qaaday.
Waxa uu sheegay Maxamed Maxamuud Mataaan oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaliya in dhalinyaro beeleed uu soo abaabulo kuwaasi oo qaraxyo iyo dilal ka geysta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale Gudoomiyihii Hore ee Magaalada Marka C/qaadir Nuur Sidii oo lagu eedeeyo falalka amni daro ee Magaalada Marka ka dhaca ayaa beeniya marka wax laga weydiiyo in uu qeyb ka ah dadka falalka amni daro ka geysta Magaalada Marke ee Gobolka Shabeealaha Hoose.

