Kulan loogu Hadlaayay Isku Dhafka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

0

Kulan  loogu hadlaayay Isku Dhafka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii loo tayeen lahaa Ciidanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,

Kulanka ayaa shir gudoominayay Raisuwasaare Ku Xigeenka XFS  Mudane Maxamed Cumar Carte  waxaa ka qaygalay Safiirada Dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha  Wasaaradda Difaaca iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carte Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan isku dhafka ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Safiirada Dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta,  ee  ka qeybgalay kulanka  ayaa u sheegay Raisuwasaare ku xigeenka Soomaaliya in ay diyaar u yihiin taageerada iyo isku dhafka ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.

IMG_2912 IMG_2913 IMG_2916 IMG_2917 IMG_2918 IMG_2919 IMG_2920-1 IMG_2921 IMG_2922 IMG_2925 IMG_2926

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here