Wafuud ka Socota Beesha Caalamka oo Muqdisho kusoo Wajahan

0

Wafuud ka socota QM,  Ethopia, Midowga yurub iyo Urur goboleedka IGAD, ayaa maanta Lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Inta ay ku sugan yihiin Wafuuda  ka socota Beesha Caalamka Magaalada Muqdisho waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda dowlada soomaliya iyagoo kala hadli doona hanaanka doorashada Soomaliya iyo Qodobadii kasoo baxay war-murtiyeedkii dhawaan laga soo saaray Shirkii madashada Wada-tashiga qaranka.

Dowlada Soomaliya ayaa sanadkaan ku mashquulsan qaabka ay u wajahayso Doorashada Madaxtinimo ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016 iyadoo sidoo kale ay jiraan kulamo loogu hadlaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here