Madxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Xubnaha golihiisa Wasiirada ee Maamulka Jubbaland oo in muddo ah laga suugayey.
Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa lagusoo waramayaa in Saxaafadda looga yeeray halkaasi oo goor dhaw lagu magacaabayo golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland kuwaasi oo siyaasiyiinta iyo Shacabka ku nool deegaanada Maamulkaasi ay si weyn uga dhur sugayaan.
Waxaa uu horay Madxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu uga codsaday Baarlamaank Maamulkaasi in la siiyo waqti dheeraad ah oo uu kusoo dhiso golo wasiirro ka dib markii munasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo isag Mar kale loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Waxaana laga dhur sugayaa golaha Wasiirada ee Maamulkaasi ee uu soo Magacaabo hogaamiye Axmed Madoobe,Waxaan Madax dhaqameedyada deegaanada Jubbaland ay uga digeen inuu Axmed Madoobe soo magacaabo Wasiirro ay muran galiyaan shacabka deegaanada Jubbaland ku abtirsada.

