Wararka Saakalaga helayo Magaalada Cadaado ayaa ku waramay in Magaaladadaasi ay ku Wajahanyihiin Wafdi ka socda Dowladda Ethiopia kuwaasi oo saacadaha Soo socda Gaaraya Magaaladaasi.
Ujeedka Wafdigaan aybu tagayaan Magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u dhameystirilahaayeen Heshiis hor dhac ah oo laga gaaray dhawaan dagaallo k dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud oo u dhexeeyey Ciidamada Liyuu booliska ee hoostaga Ethoipia iyo dad rayid ah oo xoolo dhaqato ah.
Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Galmudug lagu Daadiyay Wadooyinka Waa-weyn ee Magaalada Cadaado si ay u Xaqiijiyaan Amniga.
Wafdiga ka socda Dowladda Itoobiya ayaa ah mid dhex dhexaadin ka dhex bilaabi doona Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna sida ay sheegayaan warar Madaxbannaan oo ay heleyso Idaacadda Simba.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale Wafdiga Maanta tagaya Galmudug ay u tagayaan Qorshe ku aadan qaabkii Shabaab looga saari lahaa Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

