Wararka hadda nagasoo gaarya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelha Hoose ayaa kusoo waramaya in dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab uu ka socda deegaan dhaca duleedka degmad Afgooye ee gobolkaasi.
Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliy oo ay wehlinayaan Ciidamda AMISOM iyo Al-shabaab,Waxaa lagusoo waramayaa in dagaalku uu yahay mid la isku adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan islamarkaana daryanka hubka laga maqlaayo deegaanada ku xeeran halka lagu dagaalamayo.
Dagaalka aya bilowday Kadib Markii Ciidamada Dowladda oo ay Kaabayaan ay Weerar ku qaadeen Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo qiyaastii 8-KM Galbeedka kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Wararka Idaacadda Simba ay heleyso ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qaybqaadanayaan diyaarado Dagaal sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah.
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa waxaa ay wararka qaar ay sheegayaan in ay kasoo baxeen Deegaanada dagaalku uu ka dhacay waloow meelaha qaar Rasaas teel-teel ah laga maqlaayo.
Ilaa hadda lama oga qasarah ka dhashay dagaalkan maadaam auu yahay mid bilowday waqti dhaw.

