Wakaalada Wararka u Fidisa Wadanka Qadar ayaa lagu baahiyay in Xukuumadda Dooxa ay Cambaareysay Weerarkii ismiidaamin ahaa ee lagu qaaday Xarunta Ciidamada Nabad Galyada wadooyinka ee ku taalo Degmada Shangaani ee G/Banaadir.
Warkaani ayaa lagu sheegay in Dowladda Qadar ay Dowlada Soomaaliya ugu tacsiyeeneyso khasaarihii kaga soo gaaray Weerarkaasi.
Wakaaladda ayaa sheegtay in war kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar lagu sheegay in Xukuumadda Dooxa ay dhibka la qeybsaneyso Xukuumadda Federaalka ah oo ku aadan khasaaraha weerarkaasi ka dhashay.
“Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa ee goobta ka dhawaa iyo Ciidamada Nabad galyada Wadooyinka waxaan kaga tacsiyeeneynaa falkii ay ku nafwaayeen” sidaas waxaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar.
Hadalkaani ayaa imaanaya xili shalay weerar mas’uuliyadiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab lagu qaaday Xarunta Fisha Taraafiko, ee Degmad Shangaani.

