Gaari Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Xiray oo Lagu Qabtay Degmada Howlwadaag

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa saakay Aroortii gacanta ku dhigay Gaari la sheegay in ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Gaariga la qabtay ayaa ahaa nooca loo yaqaano kaaribka waxaa lagu qabtay isgoyska sayidka ee degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in gaarigaan ay qabteen Ciidanka Amaanka, wuxuuna sheegay in lagu qabtay Isgoyska Sayidka.

Shalay ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta Ciidamada Taraafikada Soomaliyeed ee degmada Shangaani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here