Madaxweynaha Puntland oo booqday Cusbitalka lagu dabiibayo Wasiirka Amniga Puntland

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016  cusbitalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga  Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu  Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Agaasimaha Cusbitalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu cusbitalka kala kulmay maamuus aad u heer sareeya iyo adeeg caafimaad oo wanaagsan isla markaaana uu dareemiyo jawi caafimaad oo aad u wanaagsan kadibna uu dib ugu laaban doono Puntland.

 

13113149_10154174764162458_1416019725_o 13141146_10154174764637458_1769119947_n 13161317_10154174764212458_958530823_o 13161350_10154174762702458_1137216282_o 13170556_10154174764587458_1160348052_o 13184645_10154174764532458_440261332_o 13214651_10154174764287458_561725041_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here