Baarlamaanka Soomaaliya ka kulmaya Xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka.

0

Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan dag dag ah ka yeeshaan go’aankii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasn Sheekh uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Caydiid Cabdillaahi ilka-Xanaf.

Xildhibanaada Baarlamaanka qaarkood ayaa u sheegay Saxaafadda in go’aankaasi uu yahay mid shar darro ah oo aan loo baahnayn islamarkaana ay sidaa awgeed xildhibaanada oo ah golaha sharci dajinta dalka ay suuragal tahay in iyagana digreeto Madaxweyne lagu kala diro waa haddii loo rumeeyo madaxweynaha go’aanka uu shalay xilka kaga xayuubiyey ilka-xanaf.

Shar ahaan ayey sheegeen Xildhibaanadu inuusan saxneyn go’aankaanka Madaxweynaha sida ay sheegeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan Madaxweynaha ayeyna ugu baaqeen inuu dib ugu laabto go’aanka uu qaatay ee xil ka qaadista ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here