Deg Deg:-Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso.

0

Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaa ay ka dhacday is-rasaseyn qasaare geysatay oo u dhexeysay Ciidama kawada tirsan  Maamulka Puntland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada isku dhaca dhaxmaray ay ka dhalatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana ay ku dhaawacmeen wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland iyo xubno ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ee Puntland.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi xirsi Cali Qarjab iyo waliba guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay askartii dagaalantay.

Ilaa hadda waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxa sababay iska hor imaadka maanta dhacay balse warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in masuuliyiinta dhaawacantay ay doonayeen in ay kala dhaxgalaan ciidamada oo xiisad dagaal ay ka dhaxeysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here