Madaxweynaha Soomaaliya oo Dallacsiiyey Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

0

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa ku dalacsiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Janaraal Liibaan Cali Yaroow oo Markii Hore Darajadiisa Ciidan ay aheyd G/Sare.

Si la mid ah  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute Oo Darajadiisu hore u aheyd G/Dhexe.

MD Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa ku Ammaanay Labada Sargaal ee ugu Sarreya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Daacadnimo iyo Howlkarnimo, taas oo suurata galisay in dardar ay ku socoto howlaha Maxkamadda Ciidamada sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweyanaha Soomaaliya xasan Sheekh maxamuud ayaa tilaabadan uu qaaday waxaa ay imaaneysaa iyadoo uu shalay xil ka qaadis uu ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here