Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku Qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Jordi  Raich Curco.

Waftigaan uu hoggaaminayey  Jordi  Raich Curco  ayaa waxaa ka mid ahaa Peter Lick oo ah xiriiriyaha hay’adda ICRC ee Puntland iyo gobollada dhexee ee soomaaliya iyo Madaxa ICRC ee Puntland  Cabdifataax Fandhaal, waxayna u socdeen in ay Madaxweynaah uga warbixiyaan halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso  deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawla shaqo ee ay  hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday oo ku yaalla guud ahaan gobollada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay hay’adda ICRC dar-dargelinta barnaamijyada caafimaad ee ay hay’addu kala shaqayso Wasaaradda Caafimaadka Puntland si looga gaarsiiyo dhammaan gobollada Puntland Adeegyo Caafimaad oo tayo leh.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxa hay’adda  ICRC Soomaaliya  ayaa isku afgartay dhammaan umuurihii ay kawada hadlayeen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay’adda ICRC in ay dardadgelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka iyo ceelal biyoodyo laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.

IMG_7579 IMG_7584 IMG_7587

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here