Mas’uul u hadlay dowladda kenya ayaa sheegay in shaqsigaani aysan sheegin magaciisa uu kamid ahaa kooxdii weerarka ku qaaday xarun ganacsiyeedka West Ged Mall sanadkii 2013.
kenya ayaa tilmaamtay in hogaamiyahaani uu doonayay in uu weeraro kale ka fuliyo markale dalkaasi iyadoona ay sheegeen in uu ku biiray kooxda daacish-ta cusub ee soomaliya.
kenya ayaa shaacisay in ay wali baadi goob ku hayaan shaqsiyaadkii ay la xiriirisay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday xarunta West get Mall sanadkii 2013-kii waxaana weerarkaasi ku nafwaayey 67-ruux oo ku sugnaa goobtaasi xiligii weerarka uu dhacayey.
kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in ay gacanta ku dhigtay, bartilmaameedsatay misane ay ka hor tagtay weeraro Al-Shabaab ay gudaha dalkaasi ka fulin rabeen hase yeeshee waxaa bar-bar socda dilal gaadmo ah oo ka dhaco dalkaasi.
Ciidamada kenya ee ku sugan soomaaliya ayaa sanadkii 2011-kii soo galay gudaha Soomaaliya wixii xiligaasi ka dambeeyey ciidamada kenya waxa ay wajaheen dagaalo kasoo wajahay Xarakada Al-Shabaab.

