War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lasoo gaarsiiyay warbaahinta ayaa lagu yiri, “Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska XDS ayaa burburiyay Shabakad ka tirsan Kooxda daacish-ta soomaliya oo tababar ku qaadanayay Deegaanka Jannaale.
Sidoo Kale warka qoraalka waxaa lagu sheegay in ciidamada Kumaandooska XDS ay dileen 12-askri oo isu jiray soomaliya iyo ajaanib oo ka tirsanaa Daacish-ta soomaliya isla markaana ay ciidamada la wareegeen saldhigyadii ay ku tabaranayeen.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warkan qoraalka ah sidoo kale ku sheegay in gacanta lagu dhigay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Mucaskarka la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo daawacyo ka soo gaaray inta uu Howlgalku Socday.





