Dowlada Kenya ayaa sheegtay in aysan joojin doonin hanaanka qaxootiga sooomaaliyeed ee dalkeeda kunool ay ugu soo celineyso dalka soomaaliya.
Madaxa arrimaha qaxootiga dalka Kenya Haron Komen ayaa sheegay in ay dardar galinayaan soo celinta qaxootiga jooga xeryahga barakacayaasha dalka Kenya , isagoona intaasi ku daray cuna yarada, iyo abaaraha laga soo sheegayo gudaha soomaaliya in aysan saameyn doonin arinta ku aadan soo celinta qaxootiga kunool kenya.
Waxaan ku dadaaleynaa soo celinta qaxootiga wiliba si wanaagsan, cuna xumida cusubna saameyn kuma yeelan doonto barnaamijka loogu talagalay in qaxootiga soomaalida lagu soo celiyo sidaas waxaa wargeyska the star ee Kenya u sheegay gudooomiyaha arrimaha qaxootiga Haron Komen .
Hay’adaha Qaramada midoobe xafiiskiisa arimaha bini, aadan nimada qaabilsan ayaa maalinkii isniinta sheegay in hada soomaaliya ay ka jirto abaar daran iyo cuna yari baahsan.
Waxaa uu xafiiskaasi sheegay ugu yaraan 931,000 qof oo soomaaliya kunool ay u baahan yihiin in laga gargaar sidii ay ku heli lahayeen cuno ku filan inta uu san dhamaanin sanadkaan.

