Labo Sarkaal oo ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay tuhunsanyihiin in dabkii ka kacay shirkadda Daallo airline ay ka dambeysay Xarakada Al-shabaab oo sida ay sheegeen saraakiishan ay horay qarax ugusii diyaariyeen gudaha diyaaradda.
Saraakiishan oo lakal hadlay Reuters iyo Waliba Foxs News oo ku yaalla dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa ay sheegeen in hadda Waaxda Sirdoonka Maraykanku ay hadda waddo qorshihii ay ku ogaanlahayd sida ay wax u dheceen.
Waxaa Saraakiishan ay meesha ka saareen wararka ku aaddan in waxa dhacay ay ahayeen dab qabsaday diyaaradda balse wararka hor-dhaca ah ay sheegayaan in qarax lagusii diyaaradda gudaheeda sida ay sheegeen xubnahan ka tirsan dowladda Maraykanka iyagoona sheegay in ay muhiim tahay in laga war sugaayo baaritaanada socda hadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku jirta baaritaanka la xariira qaabka uu u dhacay shilka diyaaradda Daallo gudaheeda ka dhacay,Waxaana sidoo kale Maamulka Daallo Airline ay sheegeen in ay arintu ka dhalatay dab sababy shirkadda diyaaradda Daallo airline.

