Weerar ay ku dhinteen askar Al-shabaab ah oo ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Mahaddaay ee shabeelaha dhexe.

0

Wararka ka imaanaya deegaan hoostaga degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay askar sida la sheegay ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab Xilli ay marayeen deegaan u dhaw degmada Mahaddaay ee Shabeelaha dhexe.

Masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi ayaa sheegay in ciidanka Milatariga dowladda Soomaaliya ay iyagu weerarka qaadeen masuulna ay ka ahaayeen,islamarkaana ay waxyeello kala duwan ay u geysteen Ciidanka Xarakada Al-shabaab ee Ciidanka Dowladdu weerareen.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidankan ka tirsan Al-shabaab lagu weerary Waddada laamiga ah ee soo gasha degmadaasi iyagoo wata gaari nuuciisu yahay Hoomeey,halkaasina uu kasoo gaaray qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waloow aan la xaqiijin ilaa hadda inta uu le’egyahay waxyeelada ka dhalatay weerarkaasi.

Waxaana Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Mahaddaay ay sheegeen in Warbaahinta ay dib kaga waramayaan balse hadda ay ku mashquulsanyihiin Ogaanshaha qasaaraha guud.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here