Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta lagu wadaa in ay tagaan Degmada Hobyo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirro,Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaasi,waxaana ujeedka wafdigan lagu sheegay dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlo dib u dhis ah oo ay wadaan ganacsatada,dadka deegaanka iyo Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa horay u ballanqaaday in ay dhameystirayaan Dekaddaasi,waxaana hadda warar hoose oo aan helayno ay sheegayaan in dhawaan la geeyey degmadaasi qalabkii lag dhisilahaa.
Waxaa sidoo kale Ujeedka Wafdigan ka mid ah sidii Maamul mid ah loogu dhisilahahaa degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Dhinaca Kale Degmada Hobyo wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa soo dhaweynta wafdigan ay ka socoto.
Wixii kasoo kordha dib kala insha allah.

