Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka Furmay Shir ay soo abaabuleen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kaasi oo looga hadlaayo aayaha Gobolka Hiiraan.
Shirka waxaa ka qeyb galaya odoyaasha,waxgaradka iyo siyaasiyiinta, xildhibaano iyo mas’uuliyiinka kasoo jeeda Gobolka hiiraan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiraan.
Shirka Maanta ka Furmay Magaalada Beledweyne waxaa shir Gudoominaya Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay in shirka loo qaban doono odoyaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in aysan ka qeyb gali doonin shirka Magaalada Jowhar ka furmay wajigiisa Labaad, kadib markii ay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ay ku eedeeyeen in aysan u qaybinin Ergada Shirka Magaalada Jowhar ka qaybgalaysa sidii loogu talagalay.

