Wararka aynu haatan ka halayno Gudaha degmada warta-nabada ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas uu xiligaan ka socdo Howlgal ay sameynayaan ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya,
Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaya Guryaha ku yaala degmada Warta-nabada iyo sidoo kale gadiidka iyadoo hakad uu ku jiro isku socodka dadka iyo gadiidka xaafadaha degmada warta-nabada. ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Taliska Booliska Gobolka Banaadir uu sheegay in hoobiyaashii shalay lagu garacaay xaafado ka agdhow degmada wartanabada in laga soo tuuray isla Gudaha degmada wartanabada.

