Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in dab uu ka kacay Diyaarad ka duushay Garoonka. Aadan Cadde. duhurnimadii Maanta,
Diyaarada ayaa la sheegay in ay kusii jeeday dalka jabuuti waxayna hawada ku jirtay 20 daqiiqo Qiyaastii kadib ayay dib ugu soo laabatay Garoonka, aadan cadde iyadoo qiiq uu ka baxaayo sida ay sheegayaan dad ku sugan garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho,
Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada ay siday rakaab aad u fara badan lama ogo qasaaro ka dhashay dabka ka kacay diyaarada Maanta kusii jeeday Garoonka diyaaradaha dalka Jabuuti.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

