Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Dowlada soomaliya ee Gobolka Gedo ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray saraakiisha ciidamada Kenya ee ku aadan ciidamada dowlada soomaliya ay ka qeyb qaateen weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Gaashaanle Khaliif aadan oo ku sugan Gobolka Gedo oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u beeniyay in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ay qeyb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ay ku laahaayeen deeganka Ceel-cadde isagoo warka kasoo baxay saraakiisha Kenya ku sheegay waxba kama jiraan.
Beeninta saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya marka laga soo Tago War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa shalay lagu sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugnaa deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo in ay ka qeyb qaateen weerarkii saldhiga ceel-cadde lagu qaaday iyagoona gacan siinayay al-shabaab,
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii saldhiga deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo waxay dowlada Kenya soo saaraysay warar ku aadan weerarka,

