Urur Goboleedka Igad ayaa sheegay in aan fara galin lagu sameyn Karin qodobada laga soo saaray shirkii lagu go’aamiyay doorashada soomaliya sanadkaan 2016-ka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Igad waxayna isku raaceen in aan fara galin lagu sameyn Karin waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Muqdisho Lagu qabto ee madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku af-garteen in doorashada lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Wasiirada kulankaan ka qeyb galay waxaa kamid ah. Mahamoud Ali Youssouf wasiirka arrimaha dibada Jabuuti;. Amina Mohamed wasiirka arrimaha dibada Kenya , H.E. Dr. Abdusalam Omer Minister wasiirka arrimaha dibada soomaliya ; H.E. Prof. Ibrahim Ghandour wasiirka arrimaha dibada wadanka Sudan; H.E. Dr. Barnaba Benjamin wasiirka arrimaha dibada wadanka Koonfurta sudan; H.E Amb. James Mugume oo xubin joogta ka ah ururka Igad, wasiirka arrimaha dibada Uganda; Amb. Francisco Caetano Jose Madeira Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) iyo madax kale oo kulankaan lagu casuumay ka qeyb galkiisa,
Dhanka kale Madaxda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in aan marnabada la Faragalin Karin waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo ku aadan dhanka doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
War kasoo baxay Urur Goboleedka Igad ee soomaliya ayaa imaanaya xili madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5.

