Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Ethiopia.

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh.maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay u ambabaxaan dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis-ababa.

Ujeedka Madaxweynuhu uu ku aadayo dalkaasi ayaa l;agu sheegay ka qeybgalka kulamo muhiim ah oo Midowga Africa ay ku yeelanayaan xaruntooda oo ku taalla dalka Ethipia gaar ahaan magaalada Adis.

Madaxweyne Xasan shekh ayaa ka ambabixidoona magaalada Muqdisho sida Radio Simba ay u xaqiijiyeen Xubno ka Tirsan Xafiiska Madaxtooyada Dalka,waxaana hadda socda qabanqaabada uu madaxweynuhu ku tagayo dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu kulamo gaar ah oo looga hadlaayo arimaha Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka Al-shabaab iyo waliba dardargalinta arimaha doorashooyinka uu la qaato masuuliyiinta ururka Midowga Africa ee ku sugan Magaaladaasi adis-ababa.

Wararka aan Ethiopia ka helayno ayaa Sheegaya in magaalada ay kusii qulqulayaan masuuliyiinta Dowladdaha qaybta ka ah Ururka Midowga Africa ee xaruntooduna tahay dalka Ethiopia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here