Salaad Cali Jeelle”Doorasho Qof iyo Cod ah Meelo Soomaaliya ka ammaan Xun ayey ka dhacdaa”

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo guddoomiye u ah Mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay go’aankii laga gaaray nuuca doorashada ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016 oo madaxda Soomaalidu ay ku wada gaareen Caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Salaad Cali jeelle in go’aankaasi ay gaareen madaxda Soomaalidu uu ahaa mid aan loo dhameyn markii ahaa mid ay cid gooni ah ay ku qanacday siduu yiri oo wali waxaa jira dhinacyo iyagu aan wali ku qanacsaneyn qaabka loo wajahay qodobada qaar ee go’aankaasi.

Maamulka Puntland oo sida uu carabka ku dhuftay Saameyn ku leh siyaasadda dalka ayuuu sheegay inuu qaadacsanyahay go’aankaas oo lagu saleeyey sida uu hadalka u dhigay maamullo ka da’yar Puntland taasina aysan ahayn mid lagu tilmaami karo in doorashooyinka dalka go’aan laga gaaray.

Siyaasiga Slaad Cali Jeelle oo aan wax ka weydiinnay arimaha doorashooyinka iyo qaabka uu isleeyahay in ay uga dhicikarto Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in xilligan Soomaaliya ay ka dhicikarto doorasho qof iyo cod ah isagoona tusaale uga dhigay in dalal ammaan ahaan Soomaaliya ka liita ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah sida dalka Ciraaq.

Madaxda Soomaalida ayuu sheegay in ay dano gaar ah ka leeyihiin in dalka ay ka dhiciweyso doorashada ku saleysan qof iyo cod oo ay horay u ballanqaadeen madaxda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here