Kadib Markii Maalmo ka hor go’aan lagasoo Saaray shirka madasha wada tashiga ee looga hadlaayo nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa Sannadkan ayaa waxaa QM ay soo dhaweysay g’aanka laga gaaray arimaha doorashada dalka.
Xog-hayaha guud ee QM Bankimoon ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan arinkaan dhammaamba beesha caalamka iyo waliba saaxiibada Soomaaliya,islamarkaana ay tahay tallaabo cad oo loo qaaday dhinaca hormarka dalka Soomaaliya.
Bankimoon Xog-hayaha guud ee QM ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin Soomaaliya ayna kala shaqeynayaan arimaha hormarka iyo waliba dhinacyo kala duwan oo dalka uu ku gaarayo in ay ka dhacaan doorashooyin xalaal ah oo dadku ay ku qanacsanyihiin.
waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa Mr Moon in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay hadda u jihgaysteen sida uu sheegay dhinaca hormarka iyo waliba dib u dhisidda dalka oo uu tilmaamay inuu dalku kasoo kabanayo dhibaatooyin ay dalka ku reebeen dagaaladii ay soomaalidu klusoo jirtay muddo badan.
Madaxda Soomaalida ayaa go’aan ay ku mideysanyihiin oo laga qaatay nuuca doorasho ee lagu wdo in ay dalka ka dhacdo sannadkan waxaa ay ku gaareen magaalada Muqdsiho kadib shir ka dhacay,waxaase durbaba go’aankaasi ka hor yimid maamulka Puntland oo iyadu sida ay sheegtay arinkaan uusan u cuntamaynin.

