Dibadbaxyo Maanta ka dhacay deegaanada Puntland.

0

Shacabka Ku nool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe  ayaa maanta iskugu soo baxay banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen Go’aankii Puntland  ay ka qaadatay Shirkii lagusoo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee looga hadlayey arimaha la xariira doorashooyinka dalka lagu wado in ay ka dhacaan Sannadkan 2016.

Dadka isugusoo baxay xaafadaha Magaalooyinka garoowe iyo gaalkacyo ayaa ka mideysnaa taageeridda go’aankii shalay uu qaatay hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed cali Gaas oo ahaa in Puntland ay qaadacsantahay qodobada kasoo baxay shirkii muqdisho lagusoo gabagabeeyey.

Odayaal,Haween,Arday iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeybgalay dibad baxa maanta ka dhacay deegaanada ka tirsan Puntland ee loogasoo horjeedo go’aaminta nuuca doorasho ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ka qeybgalay dibad baxayaasha oo qudbado u jeediyey dadkii isusoo baxay ayaa sheegay in arinkaan go’aanka Puntland ay ka qaadatay uu yahay Midkii loo baahnaa siday hadalka u yiraahdeen.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa munaasabad isusoo bax ah oo ka dhacday waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar isagoo u jeediyey qudbad dheer oo uu arimo badan kaga hadlay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here