Wararka nagasoo gaaraya deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidank Kenya ay maanta isaga baxeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose.
Wararka ay helayso Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka kenya oo wata gaadiidka dagaalka iyo agabkoodi milatari ay maanta 12:00-duhurnimo ay si rasmi ah isaga ruqaansadeen deegaanka Buula-gaduud oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose,iyagoo aaday dhanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbooyinka.
C/rashiid Macalin Gaas oo k mid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaliya ee Gobolada Jubbooyinka oo ku Sugan Duleedka Kismaayo oo sida uu sheegay arkayey isagu xilliga Ciidanka Kenya ay ka baxayeen Deegaankaasi ayaa sheegay in Ciidankan Kenyaatiga ah ee ka baxay Deegaankaasi may Wateen qalabkoodoo idil siduu u sheegay Radio Simba xilli uu u waramayey.
Wararka aan ka helayno Deegaanadaas ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Ciidanka Kenya ee isaga baxay Maanta deegaankaasi ay jidka u galeen Xarakada Al-shabaab Ciidamo ka tirsan oo halkaasi uu ku dhaxmaray iska hor imaad kooban oo aan la xaqiijinkarin qasaaraha rasmi ahaan ka dhashay.
Ilaa hadda lama oga sababaha Keenay ka bixidda Ciidanka Kenya ee deegaanadaasi balse Maalmihii dambe ayaa waxaa Ciidanka Kenya ay faarujinayeen deegaanno iyo degmooyin ay uga sugnaayeen Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarkada Al-shabaab ay weearar qasaare badan dhaliyey ay ku qaadeen 15-Bishan Fariisinkii ugu weynaa Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Gobolka Gedo gaar ahaan Deegaanka Ceel-cadde ee gobolkaasi.
Maalmihii dambe Ciidanka Kenya ayaa waday qorshe ay kaga baxayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Waliba Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

