Kulan loogu baroor-diiqayey dadkii ku geeriyooday Weerarkii Liido oo maanta halkaas ka dhacay.

0

Muddo Isbuuc ah ayaa laga Joogaa xilligii ay Xarakada Al-shabaab weerartay hotello ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho waxaa weerarkaasi uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah oo ku cawewynayey goobtaas iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaliya.

Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay banaanbax ay soo abaabuleen bulshada ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan ururada Bulshada rayidka ah.

Dadkii kasoo qaybgalay kulanka baroordiiqda ah ee maanta muqdisho gaar ahaan liido lagu qabtay ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin qaabka uu u dhacay weererkii lagu laayey dadkii ku sugnaa Xeebta Liido ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Raxma Sheekh Axmed Gabballe oo hadal u jeedisay dadkii meesha isugu yimid ayaa sheegtay in ujeedka banaanbaxa Maanta uu ahaa sidii ay u cabirilahaayeen dareenkooda ku aaddan dhibaatada ka dhacaday Xeebta liido xarumaha ku yaallo ee la Weeraray.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Degmada Cabdi-casiis ee gobolka Banaadir oo isna Warbaahinta hadal u jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay kasoo baxeen kaalinkii ay ku lahaayeen banaaanbaxan oo ahaa in ay gacan ka geystaan sugidda Ammaanka goobta uu dibad baxu ka dhacayey ee degmadaasi,isagoona eedeyn u jeediyey Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in ay Xasuuqeen dad maati ah oo aan waxba galabsan siduu hadalka u yiri.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here