Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Gaas oo Maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta la filayaa in ay  soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya,

Ujeedka safarka  uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Gaas ku imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa Lagu sheegay ka qeyb galka shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Madaxda Dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ayaa wali isku qilaafsan nooca dooorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka iyadoo sidoo kale la isku qilaafsan yahay halka lagu marti galin doono shirka doorashada lagu go’aamin doono.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo dhawan warbaahinta kula Hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose  ayaa sheegay in kismaayo ay tahay halka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa,

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here