Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Hodon ee Gobolka Banaadir gaar ahaan isgoyska Tarbuunka ayaa sheegaya in haatan uu halkaas ka socda dibad bax xoogan ay dhigayaan dad shacab,
Dadka dhigaya dibad-baxa ayaa kasoo horjeeda burburin la sheegay in qeybo kamid ah degmada Hodon ay ka sameeyeen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya,
Dhanka kale Isgoyska Tarbuunka waxaa haatan lagu arkayaa dad gubaya Taayaro oo kasoo horjeeda bur-burin ay halkaas ka sameeyen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya,
Wixii kusoo kordha kala simbanews.com

