Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo shalay Galinkii dambe kormeer ku Tagay xeebta liido ayaa sheegtay in gar-gaar caafimaad loo fidin doono dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay hoteel iyo maqaayada ku taala xeebta liido,
Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in al-shabaab ay awoodooda hoos u dhacday ayna kusoo koobmeen xiligaan in ay weeraro ka fuliyaan goobaha dadka shacabka ay iskugu yimaadaan sida Hoteelada iyo goobaha Ganacsiga,
Sidoo kale Madaxweyne Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in dowlada soomaliya ay gar-gaar Caafimaad u fidin doonto dadkii ku dhaawacmay weerarka. isagoona Caafimad u rajeeyay,

