Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa haatan ka socda kulamo lagu doonayo in lagu xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan qaar kamid ah odoyaasha kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya ayaa wali ku Howlan qaabkii la xalin lahaa cabashooyinka qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe xili qaar kamid ah odoyaashii kasoo Gobolka Hiiraan ay shirkii iskaga baxeen iyagoona wasaarada Arrimaha Gudaha ku eedeeyay in ay siin weysay wixii ay mudanaayeen, odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan,
Dhanka kale amaanka Magaalada Beledweyne aya aad loo adkeeyay waxaa haatan Gudaha Magaaladaas Lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ka qeyb qaadanaya sugida amaanka Magaalada Beledweyne,

