Xidiga kooxda Barcelona Cristian Tello ayaa si amaah ah ugu dhaqaaqay kooxda Fiorentina ee Horyaalka dalka Talyaaniga kadib markii uu burburay heshiis ay ku qaadan laheyd kooxda Fc Porto ee Horyaalka dalka Portugal,
Cristian Tello ayaa labo sano oo amaah ku qaaday kooxda Fc Porto kadib markii uu boos ka waayay kooxda Barcelona wuxuuna kooxda Porto kasoo muuqday 33-kulan isagoona dhaliyay 8-goal waayihiisa garoonka Estadio do Dragao.
Barcelona iyo Fiorentina ayaa isku af-gartay in xidigaan ay amaah ku qaadato kooxda ku ciyaarta garoonka Stadio Artemio Franchi

