Xarakada al-shabaab ayaa ciidamada Kenya ugu Hanjabtay in mid ka qasaaro badan weerarkii deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo ay la kulmi doonaan hadii aysan gudaha soomaliya ka bixin, sida ugu dhaqsiyaha badan
Afhayeenka dhanka howlgalada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dowlada Kenya farayaan in Somaliya kala baxdo ciidankeeda hadii kale ay la Kulmi doonaan weerar kale oo qasaaro badan dhaliya kadib weerarkii deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfur Dalka soomaliya,
Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhanka howlgalada Shabaab waxa uu Tilmaamay in al-shabaab ay joojin doonin weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ay ku sugan Yihiin ciidamada Kenya inta ay soomaliya ku sugan Yihiin.
Xarakada Al-shabaab ayaa weerar qasaaro badan dhaliyay ku qaaday deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo waxayna sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Tiro gaareysa 100-askari oo ka Tirsanaa ciidamada Kenya wallow aysan dowlada Kenya soo bandhigin tirada Rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarka,

