Dhageyso:- Wasaarada Amniga oo baaqay u dirtay Milkiilayaasha goobaha Ganacsi ee Magaalada Muqdisho

0

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada in ay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada amniga si amaanka goobahooda ganacsiga loo sugo,

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay jiraan kooxo doonaya in ay laayaan shacabka soomaliyeed taasi badalkeeda loogu baahan yahay milkiilayaasha Hoteelada iyo baararka ku yaala Magaalada Muqdisho in ay iska diiwaan galiyaan wasaarada amniga GudahA si loo sugo amaanka goobahooda Ganacsi,

Hadalka wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa kusoo beegmaya xili habeenkii jimcihii ay so galeysay weerar lagu qaaday hoteel ku yaala xeebta liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad Shacab ahaa iyo Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here