
Wararka aanu ka helayno deegaanka leego ee gobalka shabbeelaha hoose ayaa sheegayain in ciidamo ka tirsan militariga dowlada soomaliya ay maanta xireen dhamaanba wadooyinka soo gala deegankaas
Ciidamada oo sida la sheegay kaga gadoodsan mushaar la’aan heysata ayaa maanta isbaarooyin xad dhaafa dhigay gudaha iyo duleedyada Degmadaasi iyagoona dadka iyo gaadidka rakaabka ah ku qasbaya in ay bixiyaan lacago baad ah.
Gudoomiyaha deeganka leego ee gobalka shabbeelaha hoose Abuukar cabdulaahi Al-cadaala oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in aysan jirin wax ka baxay ama soo galay maanta deegaankaasi asagoona arintaasi u sababeeyey is baarooyin sharci daro ah ay soo dhigteen ciidamo ka tirsan ciidanka Xooga dalka soomaliyeed
Abuukar cabdulaahi Al-cadaala Gudoomiyaha deegaanka leego oo sii hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada dhibaatooyin iskugu jira jir dil iyo kufsi ay ugeesteen Haweenka Deegaankaasi.
Gudoomiyaha leego ayaa sheegay in maamulka deegaanka oo kaashanaya Ciidamada Midowga Africa ay xir-xireen qaar ka mid ah saraakiishii Hogaaminayey Ciidanka maanta xiray wadooyinka deegaanka leego halka kuwa kalena ay wada hadal ku la jiraan si dib loogu soo celiyo isku socodkii dadka iyo gaadiigkii iskaga gudbi jiray leego iyo deegaanada kale eeku xeeran.
Warar hoose oo idaacada Simba ay ka helayso Deegaanka Leego ayaa sheegay in ciidamada maanta xiray dhaqdhaqaakii dadka iyo gaadiidka leego oo Hogaaminayo Gudoomiye Cusub oo aan wali la garan Cida soo magacowday kaasi oo ka soo horjeeda maamulka uu Gudoomiyaha ka yaha Abuukar Cabdulaahi Al-cadaala.
Dhinaca kale Deegaankaasi Maanta Waxaa ka dhacay dibad bax ballaaran oo ay dhigeen dadka rayidka ah eek u nool halkaasi kuwaasi oo ka cabanaya dhibaatooyinkaasi ay halkaa ka bilaaben Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
