Maamulka Ahlu-sunna ee Gobolada dhexe ayaa Ku eedeeyey Dowladda Soomaaliya in ay dooneyso Muddo kororsi ay sameysato waqtigeeda Markuu dhamaado.
C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad oo ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenada Maamulka Ahlu-sunnada Gobolada dhexe oo la hadlay Radio Simba ayaa Sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay Sameystaan Muddo Kororsi Markii uu dhamaado Waqtiga loogu Talagalay in ay Xilka sii hayso dowladda hadda Dalka ka jirta.
Waxaa uu sheegay Proff daacad in arinkaan ay daliil u tahay sida buu yiri ay dowladdu u dooneyso in aysan dalka ka dhicin doorasho xor ah oo si nabad ah ku dhacdo taa badalkeedana ay madaxda dowladdu raadinayaan muddo kororsi iyagoo u maraya in ay siyaasadeeyaan shirarka doorashooyinka ooga hadlaayo ee la qabanayo isagoo tusaale usoo qaatay kii dhawaan laysku fahmiwaayey ee ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu-sunna Mr Daacad oo sii wata Wareysigan uu siiyey Radio Simba Muqdisho ayaa Waxaa uu sheegay in aan la aqbalikarin in madaxada Dowladdu ay waqti dheereysi sameystaan waxaana muddo koroesi ay sameeyaan madaxda dowladda uu ku macneeyey dib u dhac dalku galo iyo in waxba aysan hagaagin.
waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkoodii ahaa in dalka ay gaarsiinayaan heer shacabku wax doortaan.
Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya dhawr mar waxaa ka dhacay Shirar looga hadlaayo arimaha doorashooyinka dalka la filaayo in ay ka dhacaan balse Waxaa inta badan laysku fahmi waayey qaabka doorashadu ay u dhacayso iyo nuuca laga dhigayo iyadoona shirkii ugu dambeeyey ee arimaha doorashooyinka looga hadlayey ee ka dhaca Soomaaliya uu kusoo idlaaday is fahmiwaa dhinacyadii ka qaybgalay ah.

