Rai’zalwasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi Jabuutiyaan ah oo gaaray Baladweyn,iyo…….?

0

Wafdigaan ayaa Waxaa hogaaminaya Ra’izalwasaaraha Sooamaaliya Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke waxaana qeyb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti,Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin Ciidan oo ka Socda Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyn ayaa Waxaa Kusoo dhaweeyey Wafdigaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya,Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolkaasi.

Waxaana Wafdiga la geeyey Xarunta Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Baladeyn gaar ahaan Deegaanka Janta Kundishe oo ku taalla duleedka Magaaladaas halkaasi oo ay ka dhacayso Munaasabadda Ujeedka tagidda wafdigan ka dambeysay.

Waxaa ay madaxdan iyo madax kale oo la filayo in ay tagaan Baladweyn ay ka qeybgalayaan sida la sheegay Munaasabad ay Xilalka kulak ala wareegayaan Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Ku Sugan Baladweyn .

Sidoo Kale Wararka halkaa ka imaanaya Waxaa ay ku Waramayaan in Magaalada ay ku Wajahanyihiin Wafdi heer madaxweyne ah oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Waliba Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax kale oo Wasiirro u badan oo ka socda labada Dowladood.
Magaalada Baladweyn ayaa waxaa ka socota qabanqaabada Soo dhaweynta Madaxdan ka tirsan dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here