Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa maanta gabi-ahaanba iskaga baxay shirkii ka socday Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe,
Nabadoon Shiikh Cumar sheikh Mursal oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in odoyaashii kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ku qanci waayeen waxa ka socda Magaalada jowhar taasi badalkeeda ay go’aansadeen In ay iskaaga baxaan shirka, jowhar ka socday
Dhanka kale Waxa uu sheegay in awalba Magaalada Jowhar Lagu keenay si qasab ah ayna maanta Go’aansadeen in ay iskaaga baxaan shirka wajigiisa Labaad ka Furnaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

