Kooxo Hubeysan oo Weerar ku qaaday Jaamacad Ku Taala dalka Pakistaan

0

Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhimatay oo u badnaa ardey iyo profesaro kadib markii kooxo Hubeysan  ay weerar ku qaadeen jaamacad  ku taala dalka Pakistaan,

Weerarka ayaa dhacay goor dhaweyd wuxuuna ka dhacay jaamacada Bacha Khan University oo ku taala deeganka Charsadda oo 140-km u jirta caasimada dalka Pakistaan  ee Islamabad.

Wasiirka Caafimaadka  ee dalka Pakistaan Mudane Shaukat Yousafzai oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan ay weerarka ku dhaawacmeen 50-qof oo ardey u badnaa oo jaamacada xiligaas ku sugneed.

Afhayeenka ciidamada dalka Pakistaan ayaa oo dhankiisa warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in 4-kamid ah ragii soo weerary jaamacada in weerarku Lagu dilay,

Dhanka kale kooxda Taliban ayaa weerarkaan sheegatay Mas’uulyadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here