Kenya oo Sheegtay in ay gudaha dalkeeda Maanta ku dishay 4 qof oo Al-shabaab ka mid ahaa.

0

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa shaaciyey in uu maanta dagaal ku dhex maray ciidankooda iyo 4 ruux oo hubeysan magaalada malindi oo dhanka gobolka  xeebta ku taala.

4 ruux oo dowlada ay sawiradooda soo ban dhigtay ayaa la tilmaamay in ay toogteen ciidanka kadib markii ay rasaas is dhaafsadeen maanta oo arbaca. ah

4 ta qof ee geeriyootay ayaa laga aqoonsaday ciisa cali oo ku dhashay deegaanka Kisauni  oo ka tirsan Mombasa iyo in suleeymaan maxamed cawid oo horay ciidanka booliska Kenya ay dul dhigeen madaxiisa Sh2 million bounty.

Matawa Muchangi waa taliyaha booliska magaalada malindi waxaa uu sheegay in ciidanka Kenya ay saaka aroortii baaritaano ka sameeyeen guri magaalada ku yaala oo la aamin sanaa ragaan ka tirsan Al-shabaab in ay daganaayeen , hasayeeshee markii ay guriga gaareen ayaa waxa ay rasaas is weedaarsadeen ragii hubeysnaa ee gudaha ku jiray taasi oo keenytay in ciidankeenu ay dilaan 4 dableyda guriga joogtay ka mid aheyd ayuu yiri taliyaha booliska magaalada malindi.

Taliyaha waxaa kaloo uu sheegay in guriga ay kasoo qabteen 5 gantaalaha garbaha laga gamo ah iyo rasaas xoogan oo guriga taalay.

Afartaan dhalin yaro oo Kenya ay dishay kuna sheegtay in Al-shabaab ay ka mid ahayeen ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen 7 ruux oo 3 bishii April magacyadooda lagu soo daray digniino ay soo saareen sirdoonka dalka Kenya si weyna loo baadi goobayey.

Ugu dambeytii magaalada malindi oo ah magaalo ay marto xeebta badweynta hindiya ayaa 120 km waxaa ay dhanka waqooyi bari ka xigtaa magaalada Mombasa iyadoona maalinkii isniinta ee isbuucaan loo doortay gudoomiye cusub oo lagu magacaabo filib jaaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here