Warbixin ay soosaartay maanta oo arbacaa ha-ada xuquuqda aadanahga ee amnesty international ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidanka kurdiyiinta ee loo yaqaan bishmeerji in ay burburiyeen kumanaan guryo ah oo ay daganaayeen dad shacab ah.
Amnesty waxaa ay sheegtay in gobolka ay kurdishku maamulaan ee waqooyiga ciraaq ku yaalo in gabood falo ka dhan ah bini-adan nimada ay ciidanka ka geesteen tan iyo markii ay gobolkaasi ka saareen kooxda islaamiga ee ciraaq.
goob joogayaal ka badan 100 ayaa amnesty ay xustay in ay u sheegeen ilaa 13 xaafadood oo loo yaqaano guryahii carabta in si qasab ah looga saaray dadkii daganaa.
Ugu dambeytii hay-ada u dooda xuquuqda ee amnesty waxaa ay sheegtay in masuuliyiinta sar sare ee kurdiyiinta aysan ka hadlin goobaha dadka rayidka ah laga saaray.

